Musharax Madaxweyne oo lagu weeraray Duleedka Magaalada Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in shalay magaalada lagu weeraray Musharax Madaxweyne M.Cabdifitaax Fafdhaal kaasoo soo gaaray magaalada si uu uga bilaabo ololihiisa doorashada, iyadoo dhacdadaani ay tahay mid wax u dhimeysa geedi socodka Doorashada..

Musharaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la weeraray oo rasaas xooggan la la bergsaday Gaadiidkii galbinayay, xilli uu kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe kuna soo jeeday gudaha magaalada, wuxuuna xusay in jidka loo galay xilli uu jidka kusoo jiray kuna soo socday magaalada Garawe.

Musharax Fandhaal ayaa ku eedeeyay maamulka  Deni in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday, waxa uuna sheegay in Deni iyo kooxdiisa aysan rabin in doorasho xor iyo xalaal ah dhacdo, waxa kale uu tilmaamay in amniga Puntland lagu aamini karin xilligan kooxda talada heysa.

Weerarkan lagu qaaday musharaxa ayaa imaanaya xilli doorashada Madaxweynaha Puntland iyo xulista Cildhibaanada uu khilaaf xoogan ka tasgan yahay, kaddib markii Isimada Puntland amreen in Golaha Wakiillada laga reebo Xildhibaannada Khaatumo matali jiray halka Mr.Deni uu ku gacsn seyray.

297360cookie-checkMusharax Madaxweyne oo lagu weeraray Duleedka Magaalada Garoowe..