Madaxtooyada & Hogaanka NISA Oo Lagu Eedeeyay Fara Gelinta Guddiyada Doorashada Hir-Shabelle

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa muran u dhaxeeya Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle kuwaasoo maalintii 5-aad isku haya habraacyada guddi hoosaadka, awoodaha iyo mas’uuliyadda Xogheynta, iyadoo Guddigan uu ilaa hadda leeyahay Guddoomiye iyo Kuxigeen..

Xogo laga helay ilo ku dhow ubnaha Guddiga ayaa sheegay iney jirto faragelin bannaanka ah oo ku saabsan meel marinta awood xad dhaaf ah oo loo sameynayo Xogheynta Guddiga oo aan weli la magacaabin, afar jeer oo Guddiga kulmay la isku fahmi waayay mas’uuliyadda Xogheynta, isla markaana la wareego awoodda Guddoomiyaha.

Dhibaatada ugu weyn ee ka dhex taagan Guddiga ee uu qarka u saaran yahay inuu La Guddoomiyeyaal yeesho ayaa sabab u noqon karta haddii uu fulo qorshaha ka socda dhanka Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo la siiyo awoodda Mas’uuliyadda Xogheynta, maadaama uu u socdo Kursi Xildhibaan, sidoo kalena xubinta noqoneysa Xogheynatana ee awoodda dheeraadka loo sameynayo uu isaga wato.

Dhanka kale, Wasaarada Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay iney si hoose u qortay Odayaal Dhaqmeed cusub ee Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in Liiskii Odayaasha Dhaqanka ee Wasaarada yaalay la bedelay kadib markii Madaxtooyada Villa Somalia iyo NISA ay culeys ku saareen Wasiirka Arrimaha Gudaha.

131210cookie-checkMadaxtooyada & Hogaanka NISA Oo Lagu Eedeeyay Fara Gelinta Guddiyada Doorashada Hir-Shabelle