Madaxweynaha Iyo Wasiirkiisa 1-aad Oo Isku Khilaafay..

Politics

Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa 1-aad, kadib markii ay fadhi ka yeesheen Go’aanka uu Guddiga Doorashooyinka Qaranka la hor tagaayo Barlamaanka…

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Qoraal laga Diyaariyay Xafiiska Madaxweynaha si qarsoodi ahna loogu dusiyay Saraakiisha Wasiirka 1-aad, ayaa dhalisay inuu Mr.Kheyre uu diidmo qayaxan ka keeno nuxurka Qoraalka.

Kulanka ayaa la sheegaya in Mr.Kheyre uu ku wargeliyay Mr.Farmaajo inuusan difaaci karin Qodobada ku qoran Qoraalka, isagoo ka digay inuu horseedi karo Khilaaf siyaasadeed iyo khalkhal amni oo Dalka ka dhaca, waxaana taladaasi ku gacan seyray Mr.Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu aad uga carooday Diidmada Mr.Kheyre, wuxuuna xusuusiyay inuu fursad uu siiyay 3-sano ee ugu dambeysay kuna nagaaday Xafiiska, mudadii ugu dheereyd, sidaas darteed uu Xaq u leeyahay go’aan ka gaarista halka Loo jiheeynaayo Siyaasada Dalka.

Mrss.Xaliimo Yareey ayaa lagu tilmaamay iney gacan saar dhow la leedahay Xafiiska Madaxweynaha, Halkaasi laga soo minguuriyo qoraal ay soo saarto, waxaana la filayaa iney soo jeediso in dalku galo doorasho Qof iyo cod, taasoo u baahan wakhti dheer oo loogu diyaar garoobo,

Dabayaaqada Sanadkaan ayaa la filayaa iney Shacbiga Soomaaliyeed u dareeri doonto doorasho, iyadoo aysan muuqan Nidaamka Loo raaci doono in lagu soo xulo Xildhibaanada labada aqal, Waxaa kale oo Khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada una baahan xalin.

21-ka Bishaan ayaa lagu wadaa in Golaha Amaanka ee QM ay fadhi ka yeelan doonaan Arrinta Somalia, iyadoo Xoghayaha guud QM uu ka deyriyay Xaalada Somalia iyo kuna Eedeeyay Maamulka Farmaajo inuu ka gaabiyay inuu Dalka gaarsiyo doorasho.

34670cookie-checkMadaxweynaha Iyo Wasiirkiisa 1-aad Oo Isku Khilaafay..