Ma Dhabaa in Musharixiinta Tartanka Macallinimada laga Reebay Tartamayaasha ka soo jeeda Puntland

Somalia news

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dowlada Federaalka, ayaa soo bandhigtay liiska Musharixiinta u soo gudbay imtixaanka qoraalka ah ee codsiga jagada macallinimo, oo horay Wasaaradda u shaacisay, kuwaasoo weli ku jira heerka kala saarista inkastoo laga reebay Musharixiinta ka soo jeeda Maamulka Puntland taasoo dhalisay in shaki badan laga muujinaayo Daacadnimada Mas’uuliyiinta..

Mas’uuliyiinta Wasaarada ayaa shaacisay tirada tartamayaasha codsiga dhiibtay, kuwaasoo gaaraya guud ahaan 13,187 Macalimiin, waxaana shuruudaha laga rabay buuxiyay 7,581 oo u fadhiisan doona Imtaxaanka Wasaaradda, iyadoo Macalimiinta la qaadanaya ay kala yihiin; Xanaano, Dugsiga Hoose, Dugsi Dhexe, Dugsi Sare iyo Dugsiga Farsamada, Tartamayaasha ugu badan ayaa waxa ay iska diiwaan galiyeen Gobolka Banaadir kuwaasoo tiradooda lagu sheegay iney gaarayaan 3,799.

Wasaaradda Waxbarashadda ayaa sheegtay dhamaan Musharaxiinta usoo gudbay imtixaanka qoraalka ah waxa ay imtixaanka ku geli doonaan goboladdii ay soo doorteen markii ay soo codsanayeen shaqada, Liiska ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dowlada Federaalka ayaan ka soo muuqan Dowlad Gobaleedka Puntland, xilli dhammaan Maamul Gobaleedyada Dalka ay ka soo muuqdeen, balse Wasaaradda ma sheegin sababta.

243250cookie-checkMa Dhabaa in Musharixiinta Tartanka Macallinimada laga Reebay Tartamayaasha ka soo jeeda Puntland