Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay..

Politics

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa weerar afka ah ku qaaday Maamulka Farmaajo…

Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda dowladdu ay meesha ka saareen hanaanka sharciga ahaa ee lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marka la fiiriyo hab-dhaqanka dowladda federaalka uusan waxba ka duwaneyn midka Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyey in dadka ka soo horjeeda ay ka saaraan Soomaalinimada, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale uga baaqay dowladaha Turki, Qatar iyo Itoobiya inay joojiyaan taageerada milatari ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

“Dowladda Turkiga waxaan oran lahaa joojiya Ciidanka aad tababaraysaan majirto Dowlad wax lagu aamini karo, Qatarna waxa aan leeyahay jooji sanuuda aad bixinayso, Ethiopia waxaan leeyahay joojiya Saraakiishiina faragalinaysa arimaha Jubbaland” ayuu yiri markale yiri Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xiisad dagaal oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

20830cookie-checkMadaxweyne Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay..