Ma Dhabaa in Madaxweynaha & Wasiirka 1-aad ay Tashi Ka Galeen Isbedelka Golaha Wasiirada Dowlada…

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Kulan ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka kaasoo salka ku haya arrimaha buuxinta Jagooyinka Wasaaradaha ka banaan ee Xukuumada, Isku shaandheyn iyo Magacaabis Wasiiro cusub, kadib markii muddo 2-sano ah soo shaqeysa Xukuumadaan..

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ay weli ku adag tahay kala doorashada in Isbedel guud oo qancin ah ay sameyaan iyo iney kuraasta banaan uun kaliya buuxiyaan, xili maalmo ka hor laga soo xigtay dhinaca Madaxtooyada in boosaska la buuxiyo marka Dastuurka la ansixiyo dhamaadka 6-da March, laakiin ay jiraan cadaadisyo beeleed & qancin u baahan dhinaca Xildhibaanada Baarlamaanka oo horey loogu heshiiyay si ay u ansixiyaan Wax ka bedelka Dastuurka.

Wararka ayaa sheegaya in Wasaaradaha Arrimaha Dibada & Boostada iyo Isgaarsiinta lagu wado in loo kala wareejiyo dhinacayada Beelaha MJ & Dhulbahante, Iyadoo Mr.Cabdirisaaq Khaliif loo magacaabo Wasaarada Arrimaha Dibeda halka Warar is khilaafsan ayaa sheegaya in Xilfhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo laga soo doortay Garoowe si weyna isku hayaan Deni loo wado inuu noqdo, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha (Fiqi) uu xilkiisa laga qaadi doono halka Wasiirada, Degaanka & Isbedelka Cimilada si la mid ah laga wareejin doono Wasaarada.

Wararka ayaa sheegaya in Garabka xisbi-diimeedka Daljir ayaa lagu wadaa inuu lumiyo Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru dowladaha Madaxtooyada kadib markii Xubnihii ay soo xuleen noqdeen kuwa aan la saan qaadi karin Isbedelada socda, La-taliyaha Amniga Madaxtooyada ayaa booskiisa la sheegay inuu ciriiri ku jiro.

309770cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha & Wasiirka 1-aad ay Tashi Ka Galeen Isbedelka Golaha Wasiirada Dowlada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com