Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Oo soo Saaray Qoraal Shaqo ka Joojin ah & Sababta…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal uu soo saaray Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabelle kaasoo hadda ah ku-simaha Madaxweynaha ayuu shaqadii ka joojiyey 4-Wasiir oo qeyb ka ah Golaha Maamulkaasi, isagoo u cuskaday xil gudasho la’aan la xiriirta Xilalka loo igmaday…

Qoraalka ayuu ku xusay magacyada Xubnahaan oo kala ah:-

-Mudane Maxamed Faarax Cali, Wasiirka Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka.

-Mudane Sakariye Khaalid Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha.

-Marwo Raxma Maxamed Guulle, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

-Mudane Aadan Maxamed Muuse, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Sida ku cad qoraalka Madaxweyne kuxigeenka Yuusuf Daba-geed oo ogeysiis ahaan ugu xusay Madaxweynaha ayaa la iswediinayaa sababta awooda u u adeegsaday inuu ku fududaado in Qoraal uu soo saaro Xilli Madaxweynaha Maamulka uu ku sugan Dalka gudihiisa, waana dhibaato hor leh in awood sheegasho lagu kaco xilli Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa aysan tagi karin magaalada B/weyne.

Fiiro gaar ah:- Qoraalka ayaa la soo saaray 4-tii Bishan.

    325980cookie-checkMadaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Oo soo Saaray Qoraal Shaqo ka Joojin ah & Sababta…