Madaxweynaha & Mucaaradka oo Isku Fahmi waayay Wax ka Bedelka Qabyo-Qoraalka..

Somalia news

Faahfaahino ayaa laga helayaa dadaalo & kulamo ay Villa Somalia maalmahan ka waday sidii ay taageero ugu heli laheyd Mashruuca wax ka bedelka Qabyo-Qoraalka (Dastuurka), iyadoo Madaxwaynaha iyo Xubno ka tirsan Mucaaradka oo kulan yeeshay lagu heshiiyay in la hirgeliyo Qodobada hoos ku xusan..

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in kulamadaan oo ahaa mid la isku soo noq noqday maalmo oo dood adag laga yeeshay sid ay tahay in xiligan wax loogu bedelo Dastuurka KMG ah , taas oo olole uu ugu jiro Madaxwaynaha, Siyaasiinta ayaa ka diiday Xasan Sheekh in waqtigan lagu deg dego wax ka bedelka Dastuurka, taas bedelkeeda ay muhiim tahay in ka hor la raadiyo maamul goboleedka Puntland oo ka maqan miiska wada-hadalada, Dhibaatada Kooxaha Burcad badeedkana wax laga qabto iyo sidoo kale Qodobadaan oo hoos ku xusan:-

-In la soo Dhameystiro Habraaca Wadar-oggol ee Madasha Wadatashiga (la raadiyo Maamulka Puntland).

-In loo maro ha-raaca wax ka bedelka Dastuurka sida ku xusan Qod:15-aad ee Qabyo Qoraalka (Dastuurka KMG), taasoo tusaaleynaaya in Wada Tashi Dadweyne marka hore la geliyo.

-In la Magacaabo Guddi Xildhibaano ah oo kasoo tala bixiya kana dooda Nidaamka Dowladnimo ee Madaxtooyada xulatay wada tashi la’aan, Faa’iidooyin iyo khasaaraha laga macaashaayo.

-In la is waafajiyo Dastuurka qabyada ah iyo kuwa Maamulada gaar ahaan kuwa Puntland iyo Somaliland.

-In Gudoonadq labada Aqal ay qeyb ka noqdaan Go’aanada Masiiriga ah.

-In Arrimaha la xiriira Doorashooyinka iyo Axsaabta marka hore laga heshiiyo hanaanka lagu qabyo tiraayo Axsaabta iyo doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu todobaadkii hore kulan la qaatay Mr.Cumar Cabdirashiid Ra’iisul wasaarihii hore, iyadoo looga dooday Qodobo la xariira wax ka bedelka Dastuurka, Khilaafka Maamulka Puntland kala dhaxeeyo Villa Somalia iyo Doorashada Puntland, iyadoo la sheegay in Mr.Cumar Cabdirashiid uu sheegay in xiligaan aysan habooneyn in Dastuurka wax laga bedelo

295900cookie-checkMadaxweynaha & Mucaaradka oo Isku Fahmi waayay Wax ka Bedelka Qabyo-Qoraalka..