Jadwalka & Liiska Musharixiinta Waqooyiga Oo La Soo Saaray

Somalia news

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada Aqalka Sare, iyadoo todobaadka soo socdo ay dhici doonto Doorashada 11 Kursi ee Aqalka Sare…

Shaacinta jadwalkan ayaa soo shaac baxay kadib markii shalay la shaaciyay liiska musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee loo qoondeeyay siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee dalka Somalia, iyadoo tartamayaasha oo gaaraya 23-Musharax ayaa waxey u tartami doono 11-kursi.

Jadwalka ayaa waxaa ku qoran in ay doorashada bilaaban doonto 28ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socota waxayna doorashada ku eg tahay 30ka bishan September 2021, Hase yeeshee kahor aya waxaa bilaaban doonta diiwaangelinta iyo tababarka ergada doorashadan ka qeybgalaysa.

142010cookie-checkJadwalka & Liiska Musharixiinta Waqooyiga Oo La Soo Saaray