Magaalada Beledweyne Oo Ciidamo Hor-istaagay Doorasho La Qaban lahaa

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka oo careysan ay diideen iney dhacdo qabashada Doorashada 6-Kursi oo maanta lagu waday in la qabo…

Wararka ayaa sheegaya in lagu waday maanta in lagu qabto doorashada 6-da Kursi oo kala ah, HOP#006, HOP#022, HOP#003, HOP#032, HOP#252, HOP#068, iyadoo ay guddiga doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay odayaasha iyo bulshada soo xuleysa saddex kamid ah kuraasta lagu dooranayo Baledweyne, waxaana kuraastaasi ku jira kursi uu u tartamayo Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibragim Macalimuu.

Ciidan ka amar qaata Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey, ayaa isku hareereeyey xarunta maamulka Gobolka Hiiraan oo uu ku yaallo mid kamid ah goobaha loogu tala galay in lagu qabto doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka.

Doorashada golaha shacabka ee Beledweyne ka socota ayaa wararka sheegayaan in wax door ah aysan ku laheyn guddoomiye jeyte iyo madax kale ee maamulka, waxaana doorashada maamulaya Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa halka maamulka intiisa kalane daawadayaal aay ka yihiin.

171480cookie-checkMagaalada Beledweyne Oo Ciidamo Hor-istaagay Doorasho La Qaban lahaa