Dowladda Somalia Sidey ula Macaamili doontaa Musharax Raile Odinga Oo Lagu Wado inuu Madaxweyne Ka Noqdo Kenya

Somalia news

Dalka Kenya ayaa lagu wadaa in Doorashooyinka guud oo loo qorsheeyay in lagu qabto Kenya 9-ka Augusta 2022, Codbixiyayaashu waxay dooran doonaan Madaxweynaha, Xubnaha Baarlamaanka iyo Senate-ka, Gudoomiyaasha Gobolada iyo xubnaha 47-da Gole ee Degmooyinka…

Doorashadaan ayaa la sheegay iney Saameyn weyn ku yeelan doonto Khilaafdka Siyaasadeed iyo Muranka xuduud xeebeedka Somalia & Kenya, iyadoo Madaxweynaha Talada ka degaaya uu taageeraan yahay Musharaxa Raila Odinga oo aad u naceyb Midnimada iyo Wadajirka Somalia, wuxuuna horey u cadeeyay “Waxaan aad u taageersanahay aqoonsiga buuxa ee Somaliland, Waxaan filayaa iney jirto kiis aad u xooggan,” Raila ayaa Magaalada Hargeysa ka sheegay.

Mr.Odinga oo ka dheregsan in aan aad looga jecleyn Somalia ayaa maalmahaan Doorashada wuxuu qorsheynayaa inuu la yimaado hindise cusub oo uu ku doonaayo inuu ku hagaajiyo Xiriirka Kenya & Somalia hadiiba Madaxweyne loo doorto, inkastoo horey ay meel adag ka istaagtay Dowlada Somalia Deelqaafyada Siyaasigaan Kenya.

Sanadkii 2016-kii Madaxweynihii xiligaasi Mr.Xasan Sheekh ayaa ugu jawaabay ”Siyaasadda Somalia ha loo daayo Soomaalida, Siyaasiyiinta waa iney ka waantoobaan arrimahan oo kale, “Midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya waa lama taabtaan,” ayuu yiri Xasan.

Dowladda Nairobi ayaa dooneysay in Xasan Sheekh Shirka IGAD ka qeyb galkiisa ay ku hoos gelin laheyd kulan doceedyada ay madaxda Kenya la qaadan lahaayeen saxiixa heshiiska Qaatka Kenya ee dib loo fasaxayey, hase yeeshee Waa ka cuddur daartay, waxaana Kulankaasi ka qeyb galaaya Xildhibaan Mahdi Guuleed.

198700cookie-checkDowladda Somalia Sidey ula Macaamili doontaa Musharax Raile Odinga Oo Lagu Wado inuu Madaxweyne Ka Noqdo Kenya