Magaalada Jowhar Oo Go’doon u Ah Wabiga Shabeele

Somalia news

Maamulka Hirshabeelle ayaa qeylo dhaantii ugu dambeysa ka saaray xaalada magaalada Jowhar oo uu ku fatahay Wabiga Shabelle waxaana Mas’uuliyiinta maamulku sheegeen inay Xaalada go’doon ku jirto magaalada Jowhar, una baahan tahay gargar…

Wasiirka maareynta masiibooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar wajahayaan xaalad adag oo dhinaca nolasha ah kaddib markii ay fatahaadu hareereysay guud ahaanba magaalada.

Isaga oo wareysi siinayay idaacada VOA ayuu sheegay Wasiirka in dad ku dhaw sida uu hadalka u dhigay 40 kun oo qoys ka barakaceen guryihii ay ku nolaayeen, kuwaa oo aan heysan wax ciirsi

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Maxamed Xusseen ayaa dhawaan dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro magaalada Jowhar oo uu ku fatahay wabiga shabeelle.

119110cookie-checkMagaalada Jowhar Oo Go’doon u Ah Wabiga Shabeele