MALAYSHIYA-BEELEED XOOG KU FURTAY MAXBUUS

Health

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska hor-imaadka hubseysan ayaa ka dhacay kadib markii malayshiya-beeleed hubaysan ay jidka u galeen gaari lagu siday maxbuus dil ku xukman oo xabsiga ku xanuunsaday kaasoo loo waday isbitaal si loo soo daweeyo…

Malayshiyaadka ayaa dhaawac culus gaarsiiyay madax ku xigeenka xabsiga Gaalkcayo iyo hal askari ah oo ka tirsanaa ilaalada xabsiga waxaana ay xoog ku ka xaysteen maxbuuska oo ay ehelo ahaayeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in maxbuuska uu dhaawac ka soo gaaray rasaastii halkaas ka dhacday sidoo kalena uu jiro qof shacab ah oo xabbad wiifto ah ugu tagtay gurigiisa islamarkaana ku dhaawacmay.

Maxbuuska xoogga lagu furtay ayaa horay maxkamadi dil toogasho  ugu xukuntay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug-lahaa dil ka dhacay Gaalkacyo.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii u dambeeyay sii xumaanayay waxaana halkaasi ka dhacay dilal kala duwan iyo Weeraro Bambooyinka (F1) kuwa gacanta laga tuuro ah oo khasaare gaystay.

24060cookie-checkMALAYSHIYA-BEELEED XOOG KU FURTAY MAXBUUS