Tirada Soomaalida Ugu dhimatay Cudurka Covid-19.

Health

Iyadoo dalka Sweden uu ku sii baahayo caabuqa saf marka ah ee COVID-19 ayaa waxaa isa soo tareysa tirada dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ugu dhimanaya caabuqaasi…

Tirada Soomaalida ee dalkaasi ugu dhimatay Coronavirus ayaa waxaa la soo sheegaya in ay tiradoodu u dhaxeyso 9-12 qof, kuwaa oo intooda badan ugu geeriyooday Magaalada Stockholm.

Kororka ku yimid tirada Soomaalida ee dalkaasi ugu geeriyooneysa Coronavirus ayaa la rumeysan yahay in ay ka dhalatay, iyadoo aanay Soomaalidu si wanaangsan ula socon farriimaha caafimaadka ee ku aadan viruskaasi.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada Göteborg ayaa sheegay in dalkaasi ay ka jirto cabsi aad u weyn, oo la xiriirta faafitaanka COVID-19.

Waxaa uu sheegay in saacadihii ugu dambeeyay barta Wasaaradda Caafimaadka Sweden la soo dhigay in dadka qaba caabuqaasi guud ahaan dalka Sweden, ay iminka tiradoodu sii caga-cageynayso 2272, iyadoo ay xaalad deg deg ah ku jiraan 115 qof, halka 36 kalena ay u geeriyootay.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay BBC, waxna laga weydiiyay Soomaalida Sweden ee cudurkaasi uu soo ritay iyo kuwa kale ee u dhintay ayaa sheegay inaysan jirin tiro koob sax ah oo dowladda ay ka soo saartay, balse waxaa uu xaqiijiyay in ay dadku isla dhex marayan inay dhimashada Soomaalidu u dhaxeyso 9 illaa iyo 12 qof. 

Sidoo kale waxa uu iftiimiyay inay suuragal tahay in dadka Soomaaliyeed uu guryaha kula kacay xanuunkaasi, isla-markaana ay qaarkood macquul tahay inaysanba dareemayn in caabuqaasi uu hayo.

Xildhibaanka ayaa Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ku dhaliilay inaanay dheg jalaq u siinin digniinaha, ay Wasaaradda Caafimaadka ka soo saareyso halista cudurkaasi iyo farriimaha la xiriira, sidii looga hortaggiisa.

24020cookie-checkTirada Soomaalida Ugu dhimatay Cudurka Covid-19.