Maleeshiyaad Hubeysan oo Dhibaato ku haya Degenaashaha iyo Adeega Ganacsiga Degmada Burtinle..

Security Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Shirkadaha bixiya adeega Internet-ka iyo Wadayaasha Gaadiidka Degmada Burtinle ee Maamulka Puntland kadib markii Dabley hubeysan ay si joogto ah isbaarooyin u dhigtaan Wadooyinka iyo is-hortaagan ay ku hayaan Howladaha Shirkadaha Internet-ka..

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan oo sheegay inay qabaan tabashooyin maxali ah ayaa saaka jaray tuubooyinka khadka Xambaara (Fiber Optic Wireless) shirkadda Golis ee degmada Burtinle oo katirsan Gobolka Nugaal dhacdadaan ayaa saamayn xoogan ku yeelatay guud ahaan hanaanka isgaarsiinta Galbeedka gobolka Nugaal iyo guud ahaan gobolka Mudug qeybta Puntland.

Ayaan darrada taagan ayaa ah in markii 4aad ee soo laabatay dhacdada noocaan ah, mana jiro wax tallaabo ah oo ay Maamulka Puntland ka qaaday Maleeshiyaadka hubeysan, iyadoo maalmo kahor Degmada Burtinle rag hubaysani xireen isu socodka gaadiidka laamiga weyn ee isku xira guud ahaan Gobolada.

366910cookie-checkMaleeshiyaad Hubeysan oo Dhibaato ku haya Degenaashaha iyo Adeega Ganacsiga Degmada Burtinle..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *