Weerar Kedis ah oo Saakay ay Kooxda Argagixisadu ku qaadeen Degaanka Galcad

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qaraxyo ku bilaawday oo kooxda Argagixisada Shababka ku qaadeen degaanka Galcad oo ka tirsan Degmada Ceel dheer ee Gobolka Galgudud, Weerarkaan ayaa sheegay inuu ka ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay Degaanka…

Wararka ayaa sheegay in Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Kumaandooska ee Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa lagu dilay weerarka, Sida macluumaadka sheegeen Ilaa laba Gaari oo Qaraxyo ah ayey kooxda Argagixsada Shabaabku u adeegsadeen weerarka degaanka Galcad, Sarkaalka geeriyooday ayaa hoggaaminayay Urur ka tirsan ciidamadda DANAB ee uu taageero Mareykanka, kuwaasoo saldhigyo ku lahaa degaanka oo dhawaan uun lala wareegay.

Kooxda ayaa weerar gaadmo ah oo qaraxyo ku bilowday ka geysatay Jalalaqsi, Buula-barde, Maxaas, Xawaadleey, Qaayid iyo Galcad, dhamaan weeradraaasi ayaa xili iyo qaab isku mida u dhacay, waxaana lagu dilay askar iyo saraakiil badan.

Habacsanaanta & Feejignaan La’aanta Saraakiisha Ciidamada

Taliyihii 3-aad ee Hogaaminta Ciidamada Duulaanka ayeey ku dileen Kooxda argagixisada, weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo ismiidaamin 5-maalmood ee u dambeysay, iyadoo ay Hogaanka Howlada la sheegay iney ka muuqata habacsanaan iyo Feejig la’aan, marka loo eego Horjoogayaasha kooxda oo maleegayaan weeraro aargoosi ah oo ismiidaamin iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka wadaan degaanada laga xoreeyay.

237910cookie-checkWeerar Kedis ah oo Saakay ay Kooxda Argagixisadu ku qaadeen Degaanka Galcad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com