Dowladda Federaalka oo ka qeyb galaysa Shirka Todobaadka Shidaalka Qaarada Afrika 

Africa News Somalia news

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Cabdirisaaq Maxamed Cumar, ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga qeyb galo toddobaadka Shidaalka Afrika ee 2022 3-7 October, kaasoo ka dhacaya bartamaha magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika…

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Shidaalka ayaa ku biiri doona in ka badan 30 wasiir oo ka qeyb gali doona shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Hyve Group Pl oo qaban qaabiyaha bandhigyada caalami ah ee arrimaha shidaalka, Todobaadka saliidda Africa waa madal isu keeni doonta hormoodka daneeyayaasha tamarta.

Qoraal kasoo baxay Afrika Oil Week, ayaa lagu sheegay in wasiir batroolka ay ka go’an tahay inuu abuuro suuq soo jiidasho leh islamarkaana uu mudnaanta siin doono sahaminta, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga gobolka si loo helo Geeska Afrika oo laf dhabar u ah dhaqaalaha qaaradda.

Todobaadka bandhigga shidaalka Afrika ayaa kusoo aaday, iyadoo uu khilaaf ka taagan yahay sahminta shidaalka Somalia, Maamulka Puntland oo kamid maamul goboleedyada dalka, ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada dowladda ee qandaraas bixinta shidaalka.

213760cookie-checkDowladda Federaalka oo ka qeyb galaysa Shirka Todobaadka Shidaalka Qaarada Afrika