Maleeshiyaad Hubeysan Oo Jaray Xargaha Internet-ka Shirkada Golis & Sababta..

Security Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Maleeshiyaad hubeysan oo degaanka Burtonle u dhashay ayaa xalay jareen xargaha Internet-ka shirkadda Isgaarsiinta GOLIS ee degaanka Buurtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal, Falkaan ayaa noqday mid soo noqnoqday Maamulka Puntland lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay inuu Xakameeyo..

Wararka ayaa sheegaya in Msleeshiyaadkaani hubaysan oo la sheegay iney ka gadoodsan yihiin tabashooyin maxalli ah oo wax laga qaban waayay ay ku dhaqaaqaan iney jaraan xargaha Internet-ka shirkadda GOLIS ee degmada Buurtinle, kuwaasoo adeegga Interntetka siin jiray degaanno ka tirsan Mudug iyo Nugaal.

Jaristaan xargaha Internet-ka ee degaanka Buurtinle ay saamayn ku yeelatay Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug, kadib markii uu ka go’ay adeegga Internet-ka ee shirkadaasi oo ah tan ugu weyn ee adeegyada Isgaarsiinta siisa degaanada Puntland, shirkadda Isgaarsinta GOLIS oo sida la sheegayo dhibane u noqotay khilaaf maxalli ah oo ka taagan Degaanka Buurtinle, balse aan khusayn shaqooyinka shirkadaasi ka hayso degaanka.

363820cookie-checkMaleeshiyaad Hubeysan Oo Jaray Xargaha Internet-ka Shirkada Golis & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *