Dowladda Jabuuti Oo Soo Saartay Qoraal Ku Aadan Xiisadaha Xuduudaha Kenya iyo Somalia

Somalia news

Wasaarada arrimaha dibadda Jabuuti ayaa sheegay in go’aanka ka soo baxay guddiga xaqiiqo raadinta ee dowlada Jabuuti ka socday uu ahaa mid loo fuliyay si dhexdhexaadnimo ah, Kaddib markii dowladda Soomaaliya ku eedeysay Jabuuti inay dhinac la safatay….

“Howlaha guddiga waxaa la fuliyay kadib ruqsad laga helay dalalka Kenya iyo Soomaaliya horaantii bishan markii ay guddigu booqdeen labada dal.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay im dowlada Jabuuti ay xiriir wanaagsan la leedahay labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayna dooneyso in xal waara laga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dal.

Waxaa kaloo dowladda Jabuuti ay sheegtay in go’aanka ka soo baxay guddiga uu horyaalo madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD si ay go’aan uga gaareen xalinta khilaafka labada dal.

90320cookie-checkDowladda Jabuuti Oo Soo Saartay Qoraal Ku Aadan Xiisadaha Xuduudaha Kenya iyo Somalia