Buuq Hareeyay Kulankii Baarlamaanka Puntland ee Shalay Dhacay..

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee shalay ayaa Buuq hareeyay, kadib markii tiro yar oo Xildhibaano ah ay soo jeediyeen in Baarlamaanka loo raro magaalada Qardho…

Xogtaan ayaa sheegtay in fadhiga Xildhibaanada ayaa qorshuhu ahaa in looga doodo arrimaha Degaanka, balse Xildhibaan Axmed Jaamac Daad oo qaraabo hoose yihiin Madaxweynaha Muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay Saciid Dani ayaa soo jeediyay in laga doodo Amniga Caasimada Garoowe.

Ku darsoo Xildhibaano kale ayaa ku taageeray in laga doodo in Fadhiyada Baarlamaanka laga raro magaalada Garoowe loona wareejiyo Magaalada Qardho oo Madaxweynaha ka soo jeedo, waxaa ka mid ahas Xildhibaan Dhaashane, Sharmaarke, Cabdirashiid Afguduud iyo Cali Cabfiwaaxid, iyadoo Fadhigu uu ku soo dhamaaday Buuq.

Golaha Wakiilada ayaa muddo ayaa waxaa saldhig u aheyd magaalada Garoowe intii uu Maamulka Puntland dhisneyd, iyadoo Qorshahaan sida ka rumeysan yahay uu Mr.Dani uu muddo ku bixinaayay Dhaqaali iyo Dadaalo sidii loo meel marin lahaa damaciisa muddo kororsiga.

267370cookie-checkBuuq Hareeyay Kulankii Baarlamaanka Puntland ee Shalay Dhacay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com