Maleeshiyaad Hubeysan Oo Weerar ku Qaaday Xabsiga Waqooyiga Gaalkacyo.

Domestic News Security Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo Maleeshiyo Beeleed hubeysan ku qaadeen Xabsiga dhexe ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, si ay u soo furtaan Dambilayal xukuman iyo Eedeysanayaal Dembiyo iyo duwan lagu soo oogay..

Xogo loo qaateen ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka hubeysan ay damacsanaayeen inay si xoog ah uga soo furtaan Maxaabiis ku xiran xabsiga, taasoo sababtay is-rasaaseyn toos ah dhex marto Ilaalada Amaanka Xabsiga, waxaana ka dhashay Khasaare inkastoo aan di rasmi ah loo ogeyn.

Wararka ayaa xaqiijinaaya in rasaastu hadda istaagtay, hase yeeshee Ilaalada Xabsiga ayaa la sheegay iney iska caabiyeen weerarka Maleeshiyaadka, Sidoo kale, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay israsaasayntan, is-rasaaseynta ayaa socotay muddo hal saac ah.

Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo ayaa horey dhowr jeer loogu qaaday weerarro la mid ah midkan. Waxaana la rumeysan yahay in halkaasi lagu xiro dambiilayaal ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ku xukuntay dil toogasho, inta badan maxaabiista xabsigan ku xiran ayaa loo haystaa dambiyo la xiriira muqaadaraad iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil.

374570cookie-checkMaleeshiyaad Hubeysan Oo Weerar ku Qaaday Xabsiga Waqooyiga Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *