Horjooge Sare oo Duqeyn Diyaaradeed Lagu dilay Somalia

Somalia news

Diyaaradaha Drones-ka ee dalka Maraykanka ayaa shalay duqeyn diyaaradeed ku dilay Horjooge sare oo ka tirsan kooxda Daacish, kadib duqeyn ay ka fuliyeen buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari Somalia, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka…

Wararka ayaa sheegay in Horjoogaha la dilay magaciisa lagu sheegay Bilaal Al-Sudani oo ka mid ah Horjoogayaasha Daacish ee ka howlgala degaanada Puntland. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay “ku guuleysteen howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Somalia”.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Horjoogahaan lala dilay 10 kale oo ka tirsan Kooxda argagixisada Islaamiga ah ee Suudaan, Weerarka ayaa ka dhacay god buuraley ah oo fog oo ku yaalla waqooyi Bari Somalia. Horjoogahaan ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ay u diyaar garoobeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Mr. Al-Sudani balse jawaabtii ay ka bixiyeen saaxiibadiisa markii ciidamada Maraykanka ay soo gaareen godka ay ku jireen ayaa keentay in la dilo.

239230cookie-checkHorjooge Sare oo Duqeyn Diyaaradeed Lagu dilay Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com