C/maan C/Shakuur Oo Dhaliilay Hogaamiyayasha Qaarkood

Somalia news

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia Mr.Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wax aan  habooneyn ku tilmaamay in Madaxdii hore ee dalka kana mid ah Musharaxiinta la kulmaan Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle…

Wuxuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in aysan habooneyn in lala kulmo Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor iyaga oon cadeyn mowqifkooda ku aadan weerarkii dowlada ku qaaday Siyaasiyiinta shacabka deegaanadooda kasoo jeeda.

Madaxweynaasha Hirshabelle iyo Galmudug ayaa xalay siyaabo kala duwan ula kulmay qaar kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta sida Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre.

96520cookie-checkC/maan C/Shakuur Oo Dhaliilay Hogaamiyayasha Qaarkood