Maleeshiyaadka Argagixisada Shababka oo Weeraray ku Qaaday Degaanka Masaajid Cali Guduud..

Security Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa weerar qaraxyo ku bilaawday oo ay Msleeshiyaadka kooxda Shababka ku qaadeen fariisimada Ciidamada Dowlada ku leeyihiinDegaanka Masaajid Cali Guduud, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay degaankaasi..

Wararku waxa ay intaasi raaciyeen in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyasiisa fudud iyo kuwa culus, waxaana jira khasaare labada dhinac oo dhimasho iyo dhaawac ah, Waxaa ay Wararku sheegayaan in Al shabaab weerarka ay soo qaadeen laga hortagay balse wali rasaas ay ka dhaceyso gudaha Masaajid Cali Guduud.

Xuuraano la helay ayaa xaqiijinaaya in Degaanka ay Maalmihii ugu dambeeyay ay ku sii qulqulayeen Ciidamo ka kala Tirsan Boliiska (Haramcad) iyo Asluubta, kuwaasoo fariisimo ka sameystay Degaanada, ku darsoo Maleeshiyaadka Shababka ayaa dhaqdgaqaaqyo ka waday dukeedka Degaankaasi, Kooxda Shabaabka ayaa sheegatay inay la wareegtay Masaajid Cali Guduud sida ay baahiyeen warbaahinta ku hadasha afka Kooxdaasi.

365390cookie-checkMaleeshiyaadka Argagixisada Shababka oo Weeraray ku Qaaday Degaanka Masaajid Cali Guduud..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *