Maqaal Caafimaad:-Sidee ugu Kordhin kartaa Jirkaaga Dufanka Fiican una Yareyn kartaa Kan Xun..

Health

Kolastaroolka fiicani waa dufan (Dux) aad u cufan oo si weyn u caawiya in Kolastaroolka Xun marka ay ka saarayaan jidhka aanu ku kala xir-xiran derbiyada xididdada dhiigga kadibna halkaas ku ururin, Wuxuuna caawiyaa in kolastaroolka xun dhiigga laga soo wada saaro oo la keeno beerka si uu beerkuna u burburiyo, Sidaa awgeed in kor loo qaado xaddiga kolastaroolka wanaagsan ee oogada ku jiraa waa arrin aad u muhiim ah si looga hortago cudurrada ku dhaca Wadnaha iyo Halbawlayaasha dhiigga…

Khubarada Caafimaadka ayaa isla oggol iney jiraan siyaabo badan oo la hubiyey faa’ido fiican u leeyihiin yaraynta kolastaroolka aan fiicnayn, iyo kor u qaadista Kolastaroolka wanaagsan, waxaana ugu horreeya in qofku uu maro nidaam cunto qaadasho oo caafimaad qaba, inuu jimicsi sameeyo, inuu miisaanka dheeraadka ah iska rido iyo inuu joojiyo Sigaarka iyo Shiishada.

Waxey Khubaradu ku talinayaan intii suurtogal ah in laga fogaado cuntooyinka leh dufanka ana caafimaadka u fiicnayn, oo sii xumeeya xaaladda caafimaad ee qofka, maadaama oo dufanka fiican ay hoos u dhigaan, dufanka xunna kor u qaadaan.

Xeeldheerayaal ay warbixintani soo xigatay ayaa sheegaya in kaluunka oo aad loo cunaa ay tahay wax yaabaha si la hubo kor ugu qaada heerka Kalastaroolka fiican ee oogada ku jira, Kaluunku waxa uu hodan ku yahay Omega-3 iyo Omega-6 oo labaduba kor u qaada Kolasataroolka wanaagsan, waxaa kaloo ka mid Looska noociisa waa weyn, Avokaadha iyo kuwo kale.

299800cookie-checkMaqaal Caafimaad:-Sidee ugu Kordhin kartaa Jirkaaga Dufanka Fiican una Yareyn kartaa Kan Xun..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com