Share the post "Maleeshiyaadka Shababka Oo Sheegtay iney Weerar ku Qabasaday Degmada Aadan Yabaal.."
Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qaraxyo ku bilaawday oo ay ka dhasheen khasaaraha ka dhashay oo ay saakay Maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shabaabka ku qaadeen Fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dadka Degaanka ay ku lahaayeen gudaha degmada Aadan Yabaal, iyadoo ay xigtay dagaal culus oo toos ah.
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka kooxda argagixisada ay inay 3-aag ka weerar kaga soo qaadeen Degmada, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, Ilo Degaanka ah ayaa sheegay in weerarka qaraxyada ah iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.
Waxaan la sheegay in Ciidamada Dowlada ay dib uga gurteen Degmada inkastoo asn la xaqiijin karin, Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi.