Xoogagii ku Dagaalamayay Magaalada Garoowe Oo Xabad joojin Aqbalay..

Somalia news

Waxaa saakay oo Arbaco ah lagu guulaystay in la kala qaado Maleeshiyaadkii ku dagaalamayay gudaha magaalada Garowe, si loo fuliyo awaamiirtii kasoo baxday isimada gobolka Nugaal, iyadoo talabaadaan ay horseeday in magaalada ay ku sigan tahay Xaalad Nabadeed oo Jilicsan…

Dagaalka Xalay saqdii dhexe soo bilaawday ayaa saakay aroortii soo idlaaday Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka Garowe, inkastoo isbitaalada la geeyay dhaawacyo, iyadoo uu dib bilowday isku socodka Dadka iyo Gaadiidka, inkastoo weli ay xiran yihiin goobaha ganacsiga, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaal dhexmaro dhinacyada dirirsan.

Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Nugaal iyo Senatorada Aqalka sare ayaa wada dadaalo la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si heshiis looga gaaro khilaaafka, inkastoo cabsi ay Shacbiga ka muujinaayaan inuu dib u qarxo dagaalka Mr.Dani ayaa lagu eedeeyay inuu degaanka Dagaal ka bilaabay.

261930cookie-checkXoogagii ku Dagaalamayay Magaalada Garoowe Oo Xabad joojin Aqbalay..