Maleeshiyo Beeleed Hubeysan oo ku Weeraray Ciidamo ka tirsan Danab Degaano hoos taga Sh/Dhexe…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar gaadmo ah oo sababay khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo xalay ka dhacay meel aan ka fogeyn degaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo Wararkaasi lagu qaado Cutubyo ka tirsan Guutada Danab…

Wararka ayaa sheegaya in Weerarkaan uu ahaa mid dhaba gal ah ayaa maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Danab oo sida la sheegay ka ambabaxay magaalada Jowhar, islamarkaana kusii jeeday Gobolka Hiiraan, iyadoo uu dhex maray Dagaal kooban kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, walow si rasmi ah aanan loo ogeyn inta uu dhan yahay khasaaraha.

Weerarkaan ayaa la la xiriirinayaa Aanooyin qabiil, maadama ciidamada la wareeray ay ahayeen kuwa fasax watay oo kusi jeeday gobolka Hiiraan oo ay deegaan ahaan kasoo jeedaan. talabaadaan ayaa laga cabsi qabaa iney horseedo in saameyn uu ku yeesho Dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada Shababka

328130cookie-checkMaleeshiyo Beeleed Hubeysan oo ku Weeraray Ciidamo ka tirsan Danab Degaano hoos taga Sh/Dhexe…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com