Xarun Isgaarsiineed Oo Shirkada Hormuud Leedahay Oo Xalay Qarax Miino Lagu Weeraray..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo xalay fiidkii lagu bartilmaameedsaday Xarun Isgaarsiineed oo Shirkada Hormuud ku laheyd agagaarka dhismaha Daallo ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Benaadir, iyadoo Qaraxaan uu geystay burbur dhismaha Xarunta…

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan uu ahaa Miino lagu aasay afafka hore ee dhismaha Hormuud oo isugu jirta Farac Iib iyo BTS, nasiib wanaag ma geysan khasaare nafeed inkastoo xiligaasi uu gudaha dhismaha ku sugnaa Shaqaale ilaalo ka ah Xarunta, waxaase burbur xoogan soo gaaray dhismaha.

Weerarkaan ayaa ku soo beegmay wax ka yar 24-saac kadib qarax kale oo lagu bartilmaameedsaday Box Telephone oo ay Shirkadda Hormuud ku laheyd degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Dukeedka magaalada Mogadishu, lama yaqaano waxaa dib u soo kiciyay mowjadahaan weerarada lagu qaadaayo Hantida Shirkadda Hormuud.

Balse waxaa shaki ju jirin in Kooxda Argagixisada Shababka 2-bilood ee u dambeeyay dib u qabsadeen in ka badan 40% degaanadii horay looga saaray oo qaarkood aan dagaalo ka dhicin, inkastoo ay jiraan Tuhuni la xiriira in Xoogaga Degaanka ay Dhaqaale ka qaateen Kooxda Shababka si ay dib ugu gurtaan, Fashilkaan ayaa lagu eedeeyay Maamulka Villa Somalia oo hakisay howlgaladii dhaqaale la’aan awgeed.

315940cookie-checkXarun Isgaarsiineed Oo Shirkada Hormuud Leedahay Oo Xalay Qarax Miino Lagu Weeraray..