Khidmada Musharixiinta Haweenka Oo La Dhimay

Somalia news

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in boqolkiiba konton 50% la dhimo khidmada laga qaadayo musharaxiinta haweenka ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la mudeeyay in Doorashada Tartanka Madaxtinimada la qabto 10-October 2021…

Wararka ayaa sheegay in Musharaxiinta Haweenka ee Aqalka Sare ayaa hadda laga qaadayaa toban kun oo doolar ($10,000), halka kuwa Golaha Shacabka laga qaadayo shan kun oo doolar ($5,000), dhaqaale dhimistaan Ayaan la ogeyn waxa ay ku soo kordhin karto, marba hadiiba aan loo oggoleyn iney iney dhexdooda ka tartamaan oo kuraas cayiman loo qondeeyo.

Dhaqaalaha diiwaangelin musharax kasta oo u tartamaya Aqalka Sare ayaa markii hore ahayd labaatan kun oo doolar ($20,000), halka Golaha Shacabka ay ahayd toban kun oo doolar ($10,000), Hogaanka Maamulada iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa heshiis ku ah inaan la soo xulin Musharixiin Haween ah Ee ka imaanaya Beelaha, waxaana la saadaalinayaa in Sanadkaan Haweenka tirada Xildhibaanada cusub ay hoos u dhici doonto.

Dhimista lacagaha laga qaadayo haweenka u tartamaya xildhinaannada labada aqal ee Somalia ayaa timid markii ururada haweenka ay ka timid cabasho la xiriirta arrintaasi, iyadoo sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ay ku raaceen.

126700cookie-checkKhidmada Musharixiinta Haweenka Oo La Dhimay