Maqaal:-Sababta Dadka Sooman Hurdada u Qabato Afurka Kadib..

Health Somalia news

Bisha Ramadan Dad badan ayaa hurdo qabto afurka kadib, Maadaama la soomanaa saacado badan oo la dareemayo harraad, iyo daal, iyadoo dheguhu dhawrayaan maqalka Adaanka si afka loola helo wixii naftu jamato loogana kabto oonkii, Haraadkii & daalkii saacadaha badan la Soomnaa…

Khubarada Caafiimaad ayaa yaqiinsan in suurta-galnimada Dadka Afuray aysan helin Awoodii ama tamartii ay u baahnayeen oo Dadka qaar waxaaba u dheer intaa madax xanuun, halka kuwo kalana lulmoodaanba oo awoodda ku hartay isugu geeyaan sidii ay usoo jeedi lahaayeen, Haddaba maxay tahay sababaha keenaya lulmadan, sidee ayaase looga hortagi karaa ama lagu yarayn karaa?

Sababaha keenta Hurdada

Ugu horrayn, markw aaa afurto iney hurdo ku qabato waa arrin dabiiciya oo aan welwel lahayn, Haddaba dhakhtarad ku xeeldheer cunnooyinka iyo hababka quudin ayaa ayada oo la hadlaysa Aljazeera.net arrinkan sidan ku sababaysay: Xiidmaha oo u baahan dhiig fara badan si cuntada loo shiido ayaa jirka ka dhigaya mid gataati dhacsan oo caajis iyo wahsi la tacbaan ah, kolka la afuro.

Iyadoo intaasi raacisay in marka si kadis ah loo cuno raashin badan, waxay keenaysaa in si xawli leh loo dardargaliyo shiiditaanka cuntada, Maskaxda ayaa kolkaa gaarsiinaysaa dhiig badan Xiidmaha, kolkaa waxaa dhacaya in uu yaraado qulqulka Dhiigga qaybaha kale ee jirka gaaraya ayna ka mid tahay Maskaxdu, waana marka ay imaanayso inaynu lulmono.”

Ka fogow Raashinkaan

Ka fogoow in aad ku afurto ama yarayso cuntooyinka la shiilo, kuwa sonkorta leh, maxaa yeelay waxay kenaan in la soo daayo Insuliin, waxaana ka mid ah cabitaannada la shiido iyo cuntooyinka ka kooban in yar oo Karboohaydayrd ah.

U afur qaab caafimaad qab ah

Sida ay khabiiraddu sheegtay in loo afuro si caafimaad qabta, waxay yaraynaysaa in si kedis ah loo dareemo lulmo, arrintaasina: waa ayada oo la cuno dhowr xabbo oo Timir ah iyo biyo, dabadeedna loo kaco Salaadda Maqrib, hadhaw goorta gogosha afurka lagu soo noqdana laga bilaabo cuntada in aad cabto Boorash.

Nidaaminta cabidda Shaaha iyo Kafeega

Waxay adkaysay khabiiraddu laga maarmaanimada in muddo ka dib afurka la cabbo Shaaha ama Kafeega; maxaa yeelay waxay isku gudbayaan nuugista jirka ee Fitimiinada maadama ay ka koobantahay Tanaad-oo ah maaddo isku koolanaysa birta oo diidaysa in la nuugo- waxayna keenaysa muddo kadib dhiig la’aan. Sidaa darteed, Waxaa habboon ayey tiri in laba saac ka dib afurka la cabbo Shaaha ama Kafeega.

Ha hilmaamin Jimicsiga

Sida hurdada habeenkii uga qayb qaadanayso in aadan lulmoonin, ayuu Jimicsiguna uga qayb qaadanayaa kobcinta awoodda tamareed ee jirka, taa oo yaraynaysa in jirku gataati-dhaco.

364700cookie-checkMaqaal:-Sababta Dadka Sooman Hurdada u Qabato Afurka Kadib..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *