Villa Somalia Oo Go’aansatay iney Xakameyso La-Taliyayaasha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Somalia news

Muddo dheer oo dabagal iyo u kuurgelid lagu hayay Kooxaha La-taliyayaasha u ah Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyay iney u shaqeeyaan Sirdoonka Ethiopia, isla markaasna dhaliyeen xiisaado gacan ka hadal iyo khilaafyo Xafiiskaasi, ayaa Villa Somalia go’aansatay iney xakameyso…

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Madaxtooyada ayaa doonaya iney iyaga hoostagaan lataliyayaasha Ra’iisul wasaaraha, si aaney saameyn dhow ugu yeeshaan talooyinkooda siyaasadda ra’iisul wasaaraha maadaama ay heystaan cilaaqaad gudaha iyo dibadda ah, durba qorshaha hoos u dhigista awoodaha wuxuu ku bilowday lataliyaha dhinaca amniga Kamaal Guutaale oo loo sheegay inuu hoostagayo Lataliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Xuseen Macalin.

Halka kooxda kale oo kala ah Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Abuukar Zubeyr, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi La-taliye sare ee Arrimaha siyaasadda, Cali Cabdi Awaare  La-taliyaha Arrimaha dib u heshiisiinta, Dr. Hodan Cismaan La-taliyaha xiriirka Caalamiga ah, ayaa dhamaantood lagu wargeliyay iney khilaafyada iyo muranada yareeyaan in isla markaasna ay xiriir wada shaqeyn la yeeshaan Xafiiska Madaxtooyada.

Ujeedka ugu weyn ee loo beegsnayo lataliyayaashaan ayaa ah maadaama ay dowladihii hore la soo shaqeeyeen, waxaana laga cabsi qabaa iney talooyinkooda leexiyaan siyaasadda ra’iisul wasaraaha, mustaqbalka dhowna ay saameyso wada shaqeynta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha iyo iney Xubnahaan madax banaanadaan gaar ahaan Mr.Axmednuur Uleex oo horey ula soo shaqeeyay Sirdoonka Ethiopia iyo Mr.Kheyre.

222000cookie-checkVilla Somalia Oo Go’aansatay iney Xakameyso La-Taliyayaasha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha