Turkiga Oo Dhexdhexaadin Ka Wada Khilaafka Somalia iyo Kenya

Somalia news

Dowladda Ankara ayaa la sheegay iney ka shaqeyneyso sidii ay miiska wada hadalka isugu keeni laheyd Dalalka Kenya iyo Somalia si loo xaliyo Dacwada Badda ee u dhaxeeysa, taasoo loo balansan yahay bisha Maarso Sanadkaan iney dib u bilaawdo Maxkamada Cadaalada Aduunka….

Ilo wareedyo Diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibeda Ee Turkiga Mr.Mevlüt Çavusoglu ayaa booqasho ku tegi doona Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, horaanta bisha soo socota ee Maarso, isagoo kulamo la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Sida laga soo xigtay ilo wareedkaan Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxuu aad u daneynayaa in labada dal ay xal nabadeed ka gaaraan dacwadda badda oo ahayd isha ugu weyn ee khilaafaadka labada dal u dhaxeeya.

Turkigu waxuu dhex-dhaxaadintaan uga faa’iideysanayaa xiriirka wanaagsan ee Somalia kala dhaxeeya, sidoo kale Turkigu waxuu Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo balaaran u arkaa laba dal oo door fiican ka cayaari kara saameyntiisa qaaradda, gaar ahaan Geeska Afrika.

Maxkamadda ICJ ayaa dhowaan ku gacan seyrtay codsi ay dowladda Kenya markii 4-aad ku dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda, waxayna balantu tahay in 15-ka bisha soo socota ee Maarso loo fariisto dhageysiga kama dambeysta ah ee kiiska badda Somalia iyo Kenya.

98260cookie-checkTurkiga Oo Dhexdhexaadin Ka Wada Khilaafka Somalia iyo Kenya