Maqaalka Caafimaadka:- Hababka Sare Loogu Qaadi Karo Caafimaadka Kilyaha..

Domestic News Health Somalia news

Kelyuhu waxa ay door wayn ka ciyaaraan ilaalinta caafimaadka guud, iyagoo dhiigga ka sifeeya qashinka iyo dheecaanada dheeraadka ah, waxeyna nidaamiyaan cadaadiska dhiigga, iyagoo sameeyaan unugyada dhiigga cas, Si kasta ha ahaatee, arrimo kala duwan ayaa saamayn ku yeesha caafimaadka kelyaha islamarkaana keeni kelyo xanuun..

Waxaana arrimahaas ka mid ah, hab nololeedka xun iyo cudurrada ku raaga Bukaanada, iyadoo ay muhiin tahay in Qofku uu ku dedaalo inuu isbedel ku sameeyo Hab-Nololeedkiisa si loo daryeelo caafimaadka Kilyaha, waxaana loo baahan yahay in la tixgeliyo Qodobada hoosta ku xusan:-

Cabista Biyo badan oo ku filan Jirka waxa ay caawinaysaa in kelyuhu ay si wanaagsan u shaqeeyaan, Biyuhu waxa ay jirka ka sifeeyaan sunta iyo qashinka. Ku dedaal inaad cabto ugu yaraan 8 illaa 10 koob oo biyo ah maalin kasta.

Ku dedaal cunno caafimaad leh:

Cunno isku dheellitiran oo hodan ku ah furuutka, khudradda, badarka iyo barootiinta jilicsan waxa ay caawisaa xifdinta kelyaha. Iska yaree milixda, sonkorta iyo cunnooyinka warshadaysan maadaama ay kordhiyaan halista kelyo xanuunka iyo cilladaha kale ee caafimaad.

La soco Heerka Sonkorta Dhiigga:

Heerarka sonkorta sonkorta dhiigga ee sarreeya waxa ay dhaawici kartaa kelyaha. Haddii aad qabto sonkorow, waa muhiim inaad si joogto ah ula socoto heerarka sonkorta dhiigga islamarkaana aad raacdo talada dhakhtarkaaga si aad u xakamayso sonkorta.

-Maare Cadaadiska Dhiigga:

Cadaadiska dhiigga ee sarreeya waxa uu culays saari kelyaha waxaana uu siyaadin karaa halista kelyo xanuunka. Ku dedaal hab nololeed caafimaad leh, sida jimicsi joogto ah, cunno isku dheellitiran iyo qaadashada dawooyinka laguu qoray si aad ugu in  cadaadiska dhiigga aanu dhaafin heerkiisa dabiiciga ah.

Samee jimicsi joogto ah:

Jimicsiga joogtada ahi waxa uh caawinayaa in miisaanku aanu kordhin, waxa uu yareeyaa cadaadiska dhiigga waxaana uu wanaajiyaa shaqada guud kelyaha. Ku dedaal inaad samayso 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalin kasta.

369890cookie-checkMaqaalka Caafimaadka:- Hababka Sare Loogu Qaadi Karo Caafimaadka Kilyaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *