Mareykanka Oo Digniin u Diray Muwaadiniintiisa Ku Sugan Ethiopia

Africa News

Safaaradda Mareykanka ee Wadanka Ethiopia, ayaa bayaan ay soo saartay waxay digniin u jeedisay muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku nool dalka Ethiopia, kadib markii Xoogaga Mucaaradka Hubeysan ay ku soo dhowaadeen Caasimada Dalka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu xusay in xaaladda amaan ee dalka Ethiopia ay sii xumaaneyso, maadaamo uu dalkaasi lugaha la galay dagaalo, loona baahanyahay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan taxadar badan oo aysan gelin safar ka baxsan magaalada Addis Ababa.

War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dalka Ethiopia in ay si dhab ah u qaataan bayaanka ka soo baxay safaaradda, baaqaan ayaa ku soo beegmay xili Maamulka Abiy uu Dalka Xaalad deg deg ah geliyay.

149120cookie-checkMareykanka Oo Digniin u Diray Muwaadiniintiisa Ku Sugan Ethiopia