Maxaa Maalin kasta Dalka Loo Keenaa 80-Tan Qaadadka Kenya & Ethiopia

Africa News Somalia news

Waxaa aad u kordhay Dhoofinta Qaadka Kenya ee loo soo daabulo Dalka Somalia, iyadoo la sheegay in Maamulka Xasan Sheekg uu oggolaaday in la soo dhoofiyo laba jibaar Qaadka miirowga ah, sida ay qoreen Warbaahinta Maxaliga Kenya, iyadoo Heshiiskii labadana uu gaabis ku yimid…

Sida ay xuseen Beeraleyda Qaadka, waxaa sii balaaranasya fursadaha Ganacsi ee Qaadka kuwaasoo macaash badan ka hela Maandooriyaha Qaadka ee Suuqyada Konfurta, Bartamaha iyo Wawooyi Bari ee Somalia, Dalka ayaa loo soo dhoofiyaa 50-tan oo Qaad ah, iyadoo 19-tan oo shixnadaasi ka mid ahi loo dhoofiyo Cassimada Mogadishu.

Macaamiisha Bulshada Qaadka ayaa cabasho ka keenay in 23-US$ lagu iibiyo Kiiladii Qaadka suuqyada magaalada Mogadishu, iyadoo intii uu xirnaa Qaadka ee suuqa Madow lagu keeni jiray lagu kala iibsan jiray 25-US$ Kiiladii, waxaana la sheegay in Qaraabada Madaxweynaha ay ku lug leeyihiin Saamiyada Qaadka.

Bishii Oktobar ee Sanadkaan ayaa la sheegay in khasnada Dowladda Kenya ay ku dhacday 32-Millions US$, kadib markii ay Ganacstada Kenya u soo dhoofiyeen Suuqyada Konfurta Somalia 1,2-Million Kiilograam oo Qaadka Miirowga ah, ku darsoo Dalka Ethiopia tiro la mid ah ayuu u soo dhoofiya Dalkaan si loogu daroogeeyo Shacbiga Somalia, Dan Qaran maahee waxaa lagu duminayaa Damiirka Dadka Soomaaliyeed.

237460cookie-checkMaxaa Maalin kasta Dalka Loo Keenaa 80-Tan Qaadadka Kenya & Ethiopia