Mareykanka oo Kooxo Burcada-Internet-ka China ku Eedeeyeen iney jabsadeen Qasnada Dowladda..

Security U.S. World

Dowlada Mareykanka ayaa qeylo dhaan ka soo saartay Kooxaha Burcada ee Inetnet-ka kana soo jeeda Dalka China iney u dhaceen Nidaamka Waaxda Maaliyadda ee Maraykankawaxeyna sheegeen iney u qaybaha xogaha ee shaqada iyo shaqaalaha ee waaxdaasi sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Maraykanka…

Ficilkaan ayaa dhacday horraantii Decembar sida lagu soo bandhigay warqad ay Wasaaradda Maaliyadda soo saartay oo ay unq dirtay sharci dejiyeyaasha si loogu ogaysiiyo dhacdada, Hay’adda Maraykanka ayaa ku tilmaantay jebinta “dhacdo weyn”, waxayna sheegtay inay kala shaqaynaysay waaxda dembi baarista Mareykanka ee FBI-da iyo hay’adaha kale si loo baaro saamaynta.

Afhayeen u hadlay Safaarada China ee Washington DC ayaa BBC-da u sheegay in eedeynta ay qeyb ka tahay “weerar qarsoodi ah” lana sameeyay “iyadoon wax xaqiiqo ah lagu saleyn”, Baarayaasha Kiiskaan ayaa sheegay in Kooxda weerarka fulisay uu fadhigoody yahay Dalka China ayna awoodeen iney jabsadaan ama ka gudbaan Amniga internerta ee waaxda iyagoo adeegsanaya fure ama number sireed ay adeegsadaan koox adeeg bixiyeyaal ah oo Waaxda ka taageera dhinaca Farsamada.

Adeegga la jabsaday ayaa lagu magacaabaa BeyondTrust, iyadoona tan iyo markii hawada laga saaray adeegaasi Mas’uuliyiintu ay sheegeen inaysan jirin wax caddayn ah oo muujinaysa in kooxda jabsatay waaxda ay sii wadeen u dhicidda Macluumaadka.

355210cookie-checkMareykanka oo Kooxo Burcada-Internet-ka China ku Eedeeyeen iney jabsadeen Qasnada Dowladda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *