Kooxda Xuutiyiinta oo 3-Markab oo Ganacsi ku Weerartay Xeebaha Gacanka Cadmeed…

World

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay Kooxda Xuutiyiinta shalay ku qaadeen 3-Markab oo kuwa Xamuulka ah ayna kala lahaayeen Shirkado fadhigoodu yahay USA, UK & Israel, weerarkaan ayaa ka kala dhacay Xeebaha Cadan iyo Mukalla ee Dalka Yemen sida ay waariyeen Hey’adaha Badaha ee Ambrey iyo UKMTO…

Hey’adda Amaanka Britain ee Ambrey ayaa sheegtay inay heshay xog tilmaamaysa in Markab Axaddii shalay lagu weeraray Gacanka Cadmeed meel 102 nautical miles koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Mukalla ee dalka Yemen, Halka UKMTO ay xaqiijisay in Markab Ganacsi Laba Gantaal oo kuwa Ridada dheer lagu weeraray meel Xeebta Cadan u jirta 59-NM u jirta.

Weeraradaan ayaa yimid maalmo kadib markii wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa sarkaal Maraykan ah uu u sheegay in laga yaabo in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay u soo daabuleen Qalabkooda sida Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Gantaalaha ballistic-ga ah ee maraakiibta agagaarka Xeebaha, iyadoo xawliga weerarradoodu uu sii kordhay shalay kaliyah, isla markaasna Ciidamada Badda ee USA iyo UK ay ku fashilmeen iney xakameeyaan Kooxda Xuutiyiinta.

319820cookie-checkKooxda Xuutiyiinta oo 3-Markab oo Ganacsi ku Weerartay Xeebaha Gacanka Cadmeed…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *