Mareykanka Oo ku Dhawaaqay inuu Maalgelin Dib u habeyn ah ku sameyn doono Xabsiyada Dalka..

Somalia news

Dowladda Washington ayaa soo bandhigtay qorshe Istiraatijiyadeed oo dib loogu habeynayo nidaamka xabsiyada Dalka, iyadoo wax looga qabanayo Ciriiriga Tirada Maxaabiista iyo Amaanka Xabsiga dhexe ee Muqdisho, kadib markii tiro dhowr jeer la isku dayay iney Maxaabiista Baxsadaan taasoo dhiig badan ku daatay…

Wararka ayaa sheegay in Danjire Richard H. Riley uu qorshahaan ku dhawaaqay intii uu socday aqoon isweydaarsi maalintii Axadii ee la soo dhaafay, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Mareykanka inay xoojiyaan waaxda cadaaladda ee Somalia, Mr.Riley ayaa u tacsiyeeyay qoysaskii ilaaladii lagu dilay weerarkii dhawaan lagu qaaday xabsiga, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la helo nidaam cadaaladeed oo isku xiran oo ay ku jiraan boolis si wanaagsan u tababaran, maxkamado ku filan oo leh shaqaale, iyo nidaam xabsi oo waara.

Shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, oo ay ciidamada Asluubta ku damiyeen kacdoonkii maxaabiista kooxdq Argagixisada Shabaabka, ayaa muujiyay habacsanaan weyn oo dhanka Amaanka ah, Shan Maxbuus oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la dilay kadib markii ay Helern/qabsadeen hub, waxaana halkaasi ka dhacay rasaas culus iyo qarax, Weerarkan ayaa sababay dhimashada sadex askari oo ka tirsan ciidanka Asluubta iyo tiro kale oo dhaawac ah, waxaana la iska weydiinayaa su’aalo badan oo ku saabsan qaabka uu xabsiga u sugi karo.

336710cookie-checkMareykanka Oo ku Dhawaaqay inuu Maalgelin Dib u habeyn ah ku sameyn doono Xabsiyada Dalka..