Kursigii ugu Adkaa Tartanka Doorashada Ee Xildhibaanimada oo lagu qabtay Gaalkacyo

Somalia news

Kursigii ugu horeeyay ee si furan loo tartamo intii uu socday xulashada dadban ayaa xalay hardankiisu ka dhacay magaalada Konfurta Gaalkacyo, iyadoo Rooble uu kaga adkaaday Farmaajo, Fahad Cabdikariim Guuleed & Qorqor oo la wada safnaa Ubax Tahliil…

Inkastoo markii hore Buuq Ergada ah ay kicisay Musharaxad Ubax oo diiday gelinkii hore iney ka qeyb gasho Tartanka Doorashada, iyadoo Dadka degaanka ay Maamulka Galmudug culeys ku saareen in doorashada la qabto, iyadoo ay u sharaxnaayeen 4-Haween ah.

Beesha kursiga leh, waxey muujiyeen, in Qoorqoor, lagula dhagi karo, kuraasta uu boobayo, la iska dhici karo, lagana itaal roonaan karo, Guushaan waxayna farriin hordhac ah u direen, Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac, oo Fahad ugu hoos jira in kursi loogu boobo Gaalkacyo.

Musharaxad Qaali Cali Shire oo halheeskeeda Doorashada ahaa ”Codkiina ku Cibaadeysta” ayaa wareegii 2-aad ee Kursiga Hop#060 ku guuleysatay 61-Cod, Musharaxda kale ay keentay 40-Cod, Ubax Tahliil ayaa ka mid ahayd Xildhibaanada aadka u taageersan Farmaajo, waxayna si weyn uga soo horjeeday Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay isku degaan ka soo jeedaan, Degaan Doorashada labaad Galmudug ee Gaalkacyo oo ay taallo 11-kursi ayaa ilaa hadda la doortay 5 kursi.

173420cookie-checkKursigii ugu Adkaa Tartanka Doorashada Ee Xildhibaanimada oo lagu qabtay Gaalkacyo