Maleeshiyo Beeleed Careysan oo Xiratay Wadada Tagta Magaalada Jowhar & Sababta..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Maleeshiyo Beeleed Hubeysan ayaa sheegaya iney Isbaaro dhigteen Degaanka Koongo ka xirteen Wadada tagta Magaalada Jowhar, talaabadaan ayaa horseeday inuu istaago isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Balcad iyo Jowhar…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyadaani oo ka soo jeeda Beesha Awbakar-Gaabane ayaa la sheegay iney ka caroodeen in aan la siin xubintii ay ku lahaayeen Golaha Degaanka Magaalada Jowhar, iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka inuu xubintooda duudsiisay, Wadada ayaa muddo 2-maalmood ah xiran.

Gaadiid tiro badan oo ka baxay magaalada Magaalada Mogadishu iyo Gobolada dhexe ee dalka ka yimid ayaa ku xayiran Degaanka Koongo, waxaana halkaasi dhibaato ku heysataa Dadka socotada ah iyo Gaadiidleyda, iyadoo Maamulka Hirshabelle iyo Dowlada Federaalka ay ka gaabiyeen iney xaliyaan Dhibaatada taagan.

Dhismaha Golaha Degaanka Magaalada Jowhar oo muddooyinkii dambe socday ayaa soo gaaray heer uu khilaaf ka dhex dhaliyo Beelaha Degaanka, iyadoo uu ka kooban yahay 27 Xubnood, waxaana loo qeybiyay:- Abgaal 9, Jareer 7, Gaaljecel 5, Moobleen 3, Xawaadle 2, Mr.Guudlaawe ayaa la haray Xubintii 27-aad sababo aan la aqoon.

283550cookie-checkMaleeshiyo Beeleed Careysan oo Xiratay Wadada Tagta Magaalada Jowhar & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com