Mareykanka Oo Sheegay iney Duqeyn ku dileen Horjoogihii Daacishta Somalia…

Somalia news

Warar is khilaafsan ayaa laga helayaa Duqayn Drones-ka Ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Degaanada Buuraleyda Puntland ee Somalia dabayaaqadii bishii May, iyadoo Duqeyntaasi lala beegsaday Horjoogihii ugu sarreeya kooxda Daacish, balse ma cadda in lagu dilay duqayntaas, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah…

Wararka ayaa sheegaya in Duqeyntani ay sheegeen Mareykanku iney ku dileen Horjooge Cabdulqaadir Muumin oo ah Horgalaha Kooxda Daacishta ee Somalia kaasoo maleeshitaadkiisu ka howl galaan Dhulka buuraleyda ee Gobolka Bari, iyadoo Taliska Africom ay sheegeen in Duqeyntani ay fuliyeen 31-Bishii tagtay ee May 2024.

War saxaafadeedka laguma sheegin xog sax ah oo ku saabsan cidda sida gaarka ah loogu bartilmaameedsaday duqeynta, 3-Saraakiill oo Maraykan ah ayaa sheegeen in bartilmaameedka duqaynta uu ahaa Horjoogaha ugu sarreeya kooxda Daacish ee Somalia, Cabdiqaadir Muumi, Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in aysan kala caddeyn in Muumin lagu dilay duqeynta.

331920cookie-checkMareykanka Oo Sheegay iney Duqeyn ku dileen Horjoogihii Daacishta Somalia…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *