Xildhibaanada Barlamaanka Oo Laga Codsaday iney qeyb ka noqdaan Dagaalka Shababka

Somalia news

Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo xalay kulan casho la yeeshay Xildhibaanada & Senatarada Baarlamaanka Federaalka, ayaa ku adkeeyay iney dhaqan geliyaan Dhaqan Dowladnimo, isla markaasna wakhtiga Fadhiyada soo xaadiraan si loo fuliyo Howlaha loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga mahad celiyay kalsoonida ay ku doorteen, isagoo intaasi raaciyay inuu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeyn doono, wuxuuna ka codsaday iney garab ku siiyaan fulinta barnaamij siyaasadeedkiisa si looga mira dhaliyo, isagoo u sheegay in Dalkaan uu baahan yahay xasilooni iyo degaanaasho.

Madaxweynaha ayaa Gudoonada labada Aqal ka codsaday iney Xildhibaanada ku adkeeyaan iney soo xaadiraan Fadhiyada Baarlamaanka wakhti cayimana u qabtaan, wuxuu kaloo Madaxwynaha ka codsaday Xildhibaanada iyo Senaterada iney ka qeyb qaataan Dagaalka kooxaha Argagixisada.

Sidoo Kale Mr.Xasan Sheekh ayaa Sharci dejiyayaasha ka codsaday in Dalku xiligaan wajahaayo Abaar iyo Biyo la’an, iyadoo ay xaaladu ay ka sii dareen kooxaha argagixisada kuwaasoo ku qasbaaya Shacibiga iney bixiyaan xoolaha iyo dalaga veersga ee ka badbaaday abaarta.

194530cookie-checkXildhibaanada Barlamaanka Oo Laga Codsaday iney qeyb ka noqdaan Dagaalka Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com