Muwaadin Loo diiday Inuu Safar Ku tago Degmada Doolow

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisado u dhaxeeya Muwaadin ka soo jeeda Degaanka iyo Maamulka degmada oo kaashanaya Ciidamada NISA uu ka taagan yahay halkaasi kadib marki Shirkad diyaaradeed oo degaanka ka howl gasha lagu amray ineysan soo qaadin…

Wararka ayaa sheegay in Maamulka degmada Doolow, ayaa ku amray Shirkadda Fly National in Magaalada Muqdisho aan laga soo qaadi karin Maxmaed Cabdullaahi Gardhuub oo ka mid ah siyaasiinta ka soo jeeda gobolka Gedo.

Shirkadda ayaa ku adkeysatay iney qaadayaan maadaama uu heysto Ticketka diyaaradda uuna ka mid yahay rikaabka saakay loo qaadi lahaa Doolow, Gobolka Gedo guud ahaan Maamulkiisa waxaa si gaar ah gacanta ugu haysay Hay’adda NISA Saraakiisha ugu sareysa waxeyna weli ka amar qaataan Farmaajo, Fahad iyo Jiis-mareexaan..

194860cookie-checkMuwaadin Loo diiday Inuu Safar Ku tago Degmada Doolow