Marin Habaabinta Shacbiga ee Salka Ku Heysa Xiisada u Dhaxeysa Ethiopia & Somalia oo Gaartay Halkii ugu Hooseysay..

Security Somalia news

Kadib markii ay Maamulka Abiy ee Ethiopia si Sharciyada Caalamiga ah ka baxsan ula saxiixeen Maamulka Waqooyiga Somalia ka dhisan heshiis Is-fahan oo loogu oggolaanaayo in Dhil baaxadiisu dhan tahay 20-KM laga siiyo Xeebaha Gobolka Awdal si ay Saldhig Ciidamo Badeed uga dhistaan, talabadani oo ay ganafka ku dhufteen Somalia…

Xildhibaan Bashiir Cabdi Ameeriko ayaa sheegay inuu dhowaan ku arkay Xalane sarkaalka ugu sarreeya sirdoonka Ethiopia, Hadalka Xildhibaanku xog la’aan ayaa ka muuqata sababo dhowr ah awgood.

-Naceybka Beeleysan ee Xildhibaanada oo Qarankii ka Hormariyay Danta Beeshiisa.

-Sanaadkii 2023 waxay Dowlada Federaalka la saxiixatay Ethiopia heshiis Sir wadaagis uu saxiixay Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad.

-Decembar 2023 waxay Dowladda Federaalka la saxiixatay Ethiopia heshiis Gaashaandhig (defence pact), Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaana Heshiiskaasi qalinka ku duugay.

Halkey Sartu ka Quruntay

Xildhibaannada Barlamaanku way taageereen labadaas heshiis si Aamusnaan ahna wey ku taageereen labadaasi heshiis, waxay ku abuureen Maamulka Abiy rajo damac iney si fudud ku qaadan karto qeybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliyeed, ku darsoo Sideedaba Xildhibaannada Baarlamaanku tan iyo 2005-tii way taageersanayeen in Ethiopia Ciidankeeda la soo geliyo Dalka inkastoo go’aankaas u jebinayay heshiiskii ay saxiixeen Isbahaysigii Dib u Xoreynta Somalia iyo Dowladdii ku meelgaarka 2008.

Weerarada Xildhibaanada Mucaaradka ee Dowlada Federaalka:-

Weerarka siyaasadeed uu Xildhibaan Bashiir ku qaaday siyaasadda Dowladda Federaalka ayaa u muuqda mid dano gaar ah laga leeyahay, maxaa yeelay hadii uu Arrimahaan dhab uga hadlaayo wuxuu ka hadli lahaa Hubkii & Saanadii ay ku keydsatay Degaanka Goday Maamulkii Farmaajo isla markaasna laga iibiyay Ganacsato inkastoo ay markii dambe boobeen Maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Daarood ujeedada ka dambeysana aheyd in Golaha Amaanka Dib u soo celiyo Cunaqabateyntii Hubka ee Somalia.

Waxaa markhaati ma doonto ah  in Madaxda Soomaaliyeed aysan runta isu sheegin, Siyaasiyiinta xiligaana ayna marnaba ka hadlin in Ciidamada Ethiopia ee aan ka tirsaneyn ATMIS Dalka iska soo gala sifo sharcidarro ah iyo in aan laga baaraan degin Heshiiska Difaac iyo Heshiiska Sir wadaagis ay Dowladda Federaalku sanadkii 2023 la saxiixatay Ethiopia, Dowladdu & Xildhibaanada Mucaaradku waxay u dhaqamaan sida Jabhadihii ku tiirsanaa Ethiopia 1991, waxeyn dhamaan khatar ku yihiin Jiritaanka Dowladnimada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

337280cookie-checkMarin Habaabinta Shacbiga ee Salka Ku Heysa Xiisada u Dhaxeysa Ethiopia & Somalia oo Gaartay Halkii ugu Hooseysay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com