Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay B/Weyne

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaal xaafada Howlwadaag ee magaalada, iyadoo dagaalka uu dagaalka la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dagaalka ay ku dhinteen 2 carruur ah oo walaalo ah saddex ka mid ah isla qoyskana ay ku dhaawacmeen, Hoobiye ayaa la sheegay inuu ku dhacay guri ay qoyskan ka degenaayeen magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafada Howlwadaag.

Lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyadoo dagaalka uu dhacay xilli dadka ay hurdayeen guryahooda, Saraakiisha Amaanka ee Dowladda iyo kuwa Amisom Ayaan ka hadlin arbushaada ay geysteen Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka.

153760cookie-checkDagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay B/Weyne