Kheyre & Musharxnimadiisa Qodobada Hortaagan

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay Olole balaaran oo Siyaasiyiin iyo Odayaal Shawnee’s ay wadeen dadaalo ay ku doonayaan sidii Mr.Xasan Cali Khayre uga mid noqon lahaa Xisbiyada Mucaaradka, iyadoo Saaxiib la’aanta siyaasadeed ee haysata ololaha ra’isal wasaarihii hore….

Saaxiib La’aanta ma aha mid cusub, sida ay sheegeen la-taliyeyaashiisii siyaasadda iyo kalkaaliyeyaashii kalashaqeynayey xiriirka bulshada caqabadahani lama kowsan damaca  iyo musharaxnimada Kheyre ee xilka madaxweynaha doorashooyinka 2021-ka, Hasa yeeshee intooda badan waxey ka dhasheen habdhaqankiisii siyaasadeed intii uu joogay xafiiska February-2017-July-2020.

Iyadoo uu kudhisnaa qaab Weyne aan meel fog jirin iyo Jooxaaris siyaasadda Qamaarka ee maanta guuleyso berrina khasaar (Win today lose tomorrow) taasoo lahubo iney siyaasiyiinta ku dhaqma u horseeddo guuldarooyin siyaasadeed oo sababta heer gaarsiisan in ay guud ahaan lumiyaan kaalintooda siyaasadda, Bulshada iyo in aysan dib dambe uga soo muuqaan fagaarayaasha iyo masraxyada Siyaasada lagu karkariyo.

Jilayaasha siyaasadda, Hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka, xubno ka tirsan bulshada rayidka iyo warbaahinta oo dhammaantood la kulmay lana soo dhaqmay Kheyre ayaa si weyn u aamisan in  caqabadaha iyo culeyska dhinaca siyaasadda ee ka dhashay hab-dhaqankii hore ee Xasan Cali Kheyre ay sababi karaan inuu ka haro tartanka iyo musharaxnimada xilka Madaxweynaha, waxaana ka mid ah:-

-Is caddeyn la’aanta siyaasadeed iyo Run ka sheegida Qeybtii uu ku lahaa Xadgudbiyadii Uu Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo heystay 3-sano iyo bari uu la soo shaqeeyay.

-Inuu Cadeeyo Isbaarooyinka Muqdisho iyo Macaashkii uu ka helay.

-Kaalintii uu ku lahaa Fadeexadda SOMA Oil & GAS

-Eedihii iyo Gabood faladii la geystay intii uu xilka hayey.

-Burburinta Hey’adaha Sharci dejinta iyo Cabsi gelinta Xildhibaanada.

-Kiiska Badda iyo hakintii la geliyay mudadii saddex sano bar aheyd Ee Xilka wada hayeen isaga iyo Farmaajo.


74110cookie-checkKheyre & Musharxnimadiisa Qodobada Hortaagan