Mashruuca COVID-19 Iyo Maamulka Farmaajo.

Health

Diinah.com ayaa baaris iyo u kuur gelid ku sameeysay maalmihii u dambeeyay Warka sheegashada Wasarada Caafimaadka XFS ee ah inuu jiro qof qaba Coronavirus Magalada Muqdisho, iyadoo si been abuur ah korka loogu saaray Muwaadin ka soo jeeda Degaanada Jubbaland…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Maamulka Farmaajo markii ay dareemeen xowliga uu kasocdo caabuqa COVID-19 Waxey so saareen ogeeysiis ay siineyso shirkada Diyaaradaha Caalamka ee kasoo daga Somalia iyadoo ku amartay in aysan Soomaaliya  keeni karin rakaab muwaadin iyo ajaanib ka imaanayo dalalka uu sida daran uga dilaacay Coronavirus oo ugu horeyso China iyo Italy.

Xasuusin Maamulka Farmaajo waxaay hore u diideen in 50 muwaadin oo Soomaali ah kuwaaso ku xayirnaa China ahaan gobolka uu ka dilaacay Coronavirus ee Wuhan.

Sida xog qarsoon aan ku helnay Maamulka Farmaajo ayaa waxey ka shireen sidii loo abaabli lahaa goobo cusub oo Dadka lagu karantiilo, kadib markii ay Dowlada China iyo Ganacsadaha Iska leh Shirkadda Alibaba ay ku yabooheen Dhaqaale iyo qalab caafimaad oo ay ugu deeqayaan Somalia.

Iyadoo Sidoo kale baaq loo diray Hey’addaha Samafalka Aduunka iney gacan ka geystaan sidii Somalia looga taageeri lahaa, waxaana lagu dhawaaqay in qof laga helay (ka yimid China) halka 4-muwaadin oo Somali ah oo tababaro Ciidan ugu maqnaa Italy lagu karantiilay 3-goobood oo laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho.

23040cookie-checkMashruuca COVID-19 Iyo Maamulka Farmaajo.