Qarax Lagu Burburiyay Baalayaal..

Tech

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Tiro dhowr Baalayaasha Lagu xiray Kaamirooyinka Wax duuba lagu burburiyay Agagaarka wadada Dabka…

Wararka ayaa sheegaya in Xiligaan wadadaasi ay xireen Ciidamada Amaanka kadib markii ay koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka ay miinooyin ku xireen Tiro balayaal ah oo Kamirooyin ku xirnaa.

Waana markii labaad ee lagu burburiyay baalayaasha ku yaal Wadada Maka al-mukarama (Agagaarka Dabka).

la soco wixii ku soo kordha

23070cookie-checkQarax Lagu Burburiyay Baalayaal..