Mas’uul Hore Oo Eedeyn U Jeediyay Farmaajo & Fahad

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Mas’uul Hore oo madax ka ahaa Gobolka Gedo kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Nuur Macalimuu oo dhaqdhaqaaqiisa xayiraad la saaray, wuxuuna ku eedeeyay iney ka dambeeyaan Farmaajo, Fahad iyo Jiis-Mareexaan…

Qeylo-Dhaan tan ayuu ku sheegay Mr.Macalimuu “Waxaa dhibaato xoogan lagu Hayaan tiro Xildhibaano, Saraakiil, Mas’uuliyiin iyo xubno kale oo ka soo jeeda Gobolka Gedo, isagoo intaasi raaciyay in Laga hor istaagay iney u dhoofaan Gobolka Gedo, wuxuuna sheegay iney nasiib darro tahay in Gobolka ay ka soo jeedaan loo diido iney soo booqdaan.

Macalimuu oo ka hadlaaya Xaaladiisa ayaa sheegay “ Waa nasiib darro aniga Eedo u galay Maamulka Farmaajo, shaqo Wanaagsan ka soo qabtay Gobolka Gedo, Maanta Xabsi guri la igu geliyo Magaalada Mogadishu, isla markaasna la iga xayiro gurigeyga iyo caruurteyda, isla markaasna aanan aqoonin sababta lagu heysto, balse waxaan ogahay in Farmaajo iyo Fahad ii adegsadeen Jiis-Mareexaan.

125880cookie-checkMas’uul Hore Oo Eedeyn U Jeediyay Farmaajo & Fahad